Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson, kaas oo booqasho shaqo ku jooga dalka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo taageerada Dowladda Mareykanka ee ku aaddan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadanayo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, kor u qaadista awooddooda hawlgal iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson, ayaa dib u xaqiijiyay sida Dowladda Mareykanka uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, horumarinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo ballaarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here