Midowga Afrika oo dib u xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya

0

Kampala – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mahmoud Ali Youssouf, ayaa dib u xaqiijiyay taageerada Midowga Afrika uu u hayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed intii uu ka qeyb galayay Shir-madaxeedkii labaad ee degdegga ahaa ee waddamada ciidamada ku biiriya Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Midowga Afrika uu weli ka go’an yahay garab istaagga Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabad waarta, amni iyo horumar, isagoo bogaadiyay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku doonayso xasilinta dalka.

Waxa uu sidoo kale ammaanay ciidamada milateriga, booliiska iyo shaqaalaha rayidka ah ee ka howlgalaya AUSSOM, isagoo ku tilmaamay in naf-hurnimadooda iyo shaqadoodu ay door muhiim ah ka qaadanayaan taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Mahmoud Ali Youssouf ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga lala leeyahay saaxiibada caalamiga ah si loo helo dhaqaale waara oo lagu taageero howlgalka AUSSOM, iyadoo la ilaalinayo hoggaanka dowladda Soomaaliya ee geeddi-socodka nabadda, amniga iyo xasilinta dalka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Uganda martigelinta shirkan, isagoo si gaar ah u ammaanay Madaxweyne Yoweri Museveni kaalinta uu ka qaatay taageerada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Intii uu shirku socday, Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Madaxweyne Museveni ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amniga gobolka, gaar ahaan xaaladaha ka taagan Harooyinka Waaweyn iyo Koonfurta Suudaan, iyagoo adkeeyay muhiimadda wadahadallada iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here