Boosaaso – Dowladda Puntland iyo Dowladda Mareykanka ayaa maanta magaalada Boosaaso ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyeen wasiirro, saraakiil ciidan iyo la-taliyeyaal, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), kaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Major General Claude K. Tudor Jr.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga amniga ee u dhexeeya Puntland iyo Mareykanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Heshiiska ay labada dhinac kala saxiixdeen ayaa dhigaya in Dowladda Mareykanka loo oggolaado ballaarinta saldhiggeeda magaalada Boosaaso, si kor loogu qaado hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda amniga badaha.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo khatar kasta oo wax u dhimi karta amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland, Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.




