Laascaanood – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, halkaas oo ay dowladda ka qorsheysay hirgelinta adeegyo bulsho iyo mashaariic horumarineed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay hoggaanka Waqooyi Bari, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, xilli maamulka uu u dabaaldegayo sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay aas-aaskiisa.
Isagoo la hadlayay boqollaal qof oo isugu soo baxay soo dhoweyntiisa, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay shacabka sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna sheegay inuu kala qeybgalayo munaasabadda sannad-guurada maamulka.
“Waan idiinka mahadcelinayaa soo dhoweyntiinna, waxaanan idiin sheegayaa inaan idin jeclahay. Waan wada joognaa, waxaanan idinkala qeybgalayaa dabaaldegga sannad-guurada asaaska maamulka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Inta uu ku sugan yahay Laascaanood, qaar ka mid ah wasaaradaha Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay daah-furaan adeegyo bulsho oo loogu talagalay shacabka deegaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa inuu hoggaanka Waqooyi Bari kala qeybgalo munaasabad ballaaran oo lagu xusayo sannad-guurada koowaad ee aasaaska maamulka.






