Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray Cutub ka tirsan Guutada 16-aad Kumaandooska Danab

0

Ballidoogle – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay Cutubka Gaarka ah ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, kadib markii ay si guul leh u dhammaysteen tababar sare oo lagu xoojinayay aqoontooda, xirfadahooda iyo u-diyaargarowga hawlgallada gaarka ah.

 

Tababarka ayaa waxaa bixiyay saaxiibbada caalamiga ah ee taageera dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Dowladda Mareykanka, iyadoo ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista tayada, xirfadaha iyo diyaar-garowga ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka iyo kartida ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday, isagoo ku dhiirrigeliyay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen u adeegsadaan gudashada waajibaadkooda qaran, difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale uga mahadceliyay saraakiishii, macallimiintii iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay hirgelinta tababarka, isagoo ku ammaanay dadaalkooda joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xiritaanka tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo diyaargarowga Ciidanka Kumaandooska Danab, si ay u sii kordhiyaan hawlgallada lagu sugayo amniga dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada.

May be an image of helicopter and text that says "G SAF"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here