SoDMA iyo Dowladda Shiinaha oo kala saxiixday heshiis gargaar bani’aadannimo

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan mashruuc gargaar bani’aadannimo ah oo ay Dowladda Shiinaha ku taageereyso Soomaaliya.

 

Mashruucan oo qiimihiisu dhan yahay 15 milyan oo Yuan-ka Shiinaha ah ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka nugul ee ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo. Gargaarkan ayaa la gaarsiin doonaa deegaannada ugu baahida badan dalka, si loo xoojiyo dadaallada gurmadka iyo taageerada bulshada.

Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto garab istaagga iyo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in mashruucan uu wax weyn ka tari doono caawinta dadka ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo iyo xoojinta dadaallada gurmadka ee dalka.

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimada iyo taageerada horumarinta bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here