Garoowe – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in howlgalka ay ciidamada Puntland fuliyeen uu ahaa fariin cad oo loo dirayo cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinto amniga iyo dowladnimada Puntland.
Shir jaraa’id oo uu qabtay kaddib iska horimaadyadii maanta, ayuu Madaxweyne Deni ku sheegay in ciidamada Puntland ay si guul leh u fuliyeen howlgalka, isla markaana ay ka go’an tahay maamulka inuu ka hortago wax kasta oo halis gelinaya amniga iyo xasilloonida deegaannadiisa.
“Howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen Gaalkacyo waa fariin ku socota cid kasta oo ka shaqeynaysa wax kasta oo lidi ku ah dowladnimada Puntland,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay taageero siineyso ciidamada ay maanta la dagaallameen kuwa Puntland, isagoo sheegay in maamulka uusan oggolaan doonin wax uu ku tilmaamay faragelin lagu wiiqayo hay’adaha iyo amniga Puntland. Daawo.




