Dad horleh oo loo xiray dil wiil Soomaali ah loogu geystay Mareykanka

0

MUQDISHO (SMN) – Qof kale oo ah ruuxii lixaad ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo ku saabsan dilka wiil 18 jir ah oo la toorriyeeyay.

Cabdiraxiim Maxamed ayaa ku dhintay isbitaal ka dib markii laga helay dhaawacyo badan oo toorrey ah. Wiilkan da’da yar ayaa laga soo qaaday waddada Melbourne, ee magaalada Leicester, 8-dii bishan September.

Zakir Brant, oo 25 jir ah, ayaa dacwad lagu soo oogay kaddib markii booliska ay xabsiga u taxabeen Jimcihii, iyagooo la xiriirinaya dilka Cabdiraxiim, wuxuuna ka soo muuqan doonaa maxkamadda Magaalada Leicester maalinta Isniinta ah.

Sidoo kale maalinkii Sabtida, booliska waxay soo qabteen nin lixaad oo isaguna looga shakisan yahay dilka.

Siddeed qof ayaa horay dacwad loogu soo oogay sababta la xiriirta geerida wiilkan kasoo jeeda Soomaaliya.

Dadka dacwadaha wajahaya ayaa kala ah:

– Mohammed Israfeel Gul, oo da’diisu tahay 27-sano jir, isla markaana ku nool New Way Road

– Daniel Pollard ooo isna da’diisu tahay, 29-sano jir, waxaa uuna kasoo jeeda xaafada Calder Road

– Mohammed Hansrod oo isna da’diisu lagu sheegay inay tahay, 29-sano jir, waxaa uuna deggan yahay Dulverton Road

– Abdul Hemid Suleman isna da’diisu tahay, 58-sano jir, waxaa uuna kasoo jeeda deegaanka Jupiter Close

– Bhavic Parmar oo da’diisu tahay 25-sano jir, waxaa uuna isna ku nool yahay xaafadda Bowling Green Street.

Raggan dhammaantood ayaa waxaa loo maxkamadeyn doonaa dilka Cabdiraxiim Maxamed oo asalkiisa uu ahaa Soomaal , isla-markaana jiray da’da 18 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here