GAALKACYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta Aabe Soomaaliyeed uu laba caruur ah oo uu dhalay ku dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.
Aabaha ayaa la sheegay in dilka caruurta uu adeegsaday Mindi, isaga oo gowracay, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Caruurta ayaa waxaa da’dooda lagu kala sheegay 13 jir iyo 11 sano jir, waxayna ku noolaayeen xaafada Faluuja ee magaaladaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen Aabaha, lamana oga illaa iyo hadda waxa sababay falkaasi.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa dareen xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.