Aadan Ducaalle: Ciidankeena danaha Kenya ayay ka fulinayaan Soomaaliya

0

NAIROBI (SMN) – Wasiirka difaaca Aadan Barre Ducaalle ayaa ku dhawaaqay xiliga ay ciidanka ka socda Kenya, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee ATMIS.

 

Wareysi uu siiyay Citizen TV ayuu ku sheegay wasiirka in Ciidanka Kenya askariga ugu dambeeya uu Soomaaliya kasoo bixi doono ugu dambeyn bisha December sanadka 2024.

Wasiir Aadan Barre Ducaalle wuxuu tilmaamay in Ciidanka Kenya markii hore loogu diray dalka Soomaaliya inay difaacaan danaha qarankiisa, islamarkaana hadda ay markii ay soo guteen waajibaadkooda dib loogu soo celinayo wadankooda.

“Anagu Soomaaliya uma joogno dalxiis, si aan ugu raaxaysanno xeebta Muqdisho iyo Kismaayo. Waxaan Soomaaliya u joognaa in aan ilaalino danta amniga qaranka Jamhuuriyadda Kenya iyo shacabkeeda,” ayuu yiri Aadan Barre Ducaalle.

Hadalkan ayaa muujinaya in Ciidanka Kenya aysan u joogin Soomaaliya inay ka shaqeeyaan amniga dalka iyo xalisnoonidiisa, balse ay wateen qorsho u gaar ah.

Sanadkii 2013 dowlada Kenya ayaa sheegtay inay Jubbaland u abuurtay inay ka dhigato aag laga ilaaliyo amnigeeda, oo khatar geliysay Al-Shabaab.

Ciidanka Kenya ayaa bishii June ka baxeen saldhigga Geriiley oo ku yaalla gobolka Gedo, waxaana dib ugu laabteen xadka Dalkooda, taasoo qeyb ka ah dhismista askarta Midowga Africa, oo wajiga 1aad la qaaday 2,000, halka wajiga labaada bishi September ee soo socota la saarayo 3,000 oo kale.

Ciidanka Kenya ayaa soo galay Soomaaliya 2011 xiligaas oo ay fulinayeen howlgal gaar ah oo uga jawaabayeen afduub iyo weeraro Al-Shabaab ka geysatay gobolka Waqooyi bari, waxaana sanadkii xigay 2012 ku biireen AMISOM, oo hadda loo bixiyay ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here