MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay shir wada-tashi oo ay yeesheen guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedyadda dalka iyo guddoonka BJFS.
Shirka waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade.
Shirkan wada-tashiga ayaa waxaa uu qeyb ka yahay talo gelinta arrimaha dib u eegista Dastuurka oo doodiisa ka socota Baarlamaanka labadiisa aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyadda magaalada Muqdisho uga qeyb galayeen shirka wada-tashi ee wax ka bedelka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka ku nool gobolada dalka.
DHAMMAAD.