Aadan Madoobe oo soo dhaweeyay u sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

 

Kulankan ayaa ka dhacay hoyga Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo shalay loo dhaariyay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa Mudane Joseph Ntakirutimana ayaa guddoonka golaha shacabka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga wafdigiisa, waxa uuna boggaadiyay horumarka dowladnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal kooban jeediyay ayaa wafdiga ka socda baarlamaanka EAC la wadaagay muhiimadda ay Baarlamaanka Soomaaliya u leedahay in wafdigan dalka booqasho ku yimaadaan iyo in dalkeena uu xubin rasmi ah ka noqdo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Ugu dambeyn guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa hadiyado guddoonsiiyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa, iyadoo dhanka kalena wafdiga ka socday baarlamaanka EAC hadiyado guddoonsiiyeen guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here