Aadan Madoobe oo war kasoo saaray qaraxii Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad

0

MUQDISHO (SMN) – Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay qarax ismiidaaminta ahaa ee ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha oo saxaafadda la hadlay ayaa marka hore tacsi u diray ehellada askartii lagu laayay weerarkaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in saraakiisha ay ku jiraan dad dedaalayo, daacadna u ah dalkooda, aadna u sharaf badan, balse dhinaca kale ay jiraan dambiilayaal isku dhex qarinayo Ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaa’imiin.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa laammaha ammaanka faray in si degdeg ah baaritaan xoog leh loogu sameeyo dhacdadaas, isagoo amray in dambiilayaasha fududeeyay qaraxa gacanta lagu soo dhigo sida ugu dhaqsiyaha badan, caddaaladdana loo mariyo.

Ugu dambeyn, Sheekh Aadan Madoobe yaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in goob uu ammaankeedu aad u sugan yahay qarax lala galo waxyeellana laga geysto, isagoo ku celceliyay in la helo jawaab lagu qanci karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here