Abaabul dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE [SMN] – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Hiiraan galbeedkiisa, ayaa sheegaya inuu ka socda abaabul xoogan oo dagaal, kaas oo ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Waxaa ku sugan halkaasi Saraakil sare, oo katirsan Ciidanka xoogga iyo taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda iyo Maamulka Gobolka Hiiraan katirsan .

Waxaa la diyaariyay Ciidamo kala duwan oo Macwiisleyda qeyb muhiim ah ka yihiin, waxaana la filayaa inay weerar ku qaadaan goobaha wali ku harsan gacanta Al-Shabaab, gaar ahaan dhinaca Galbeedka iyo Bariga, sida ay sheegeen Saraakiisha.

Cilmi Shooke oo kamid ah hogaanka Macwiisleyda oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaal ay la gali doonaan Al-Shabaab, isagoo Ciidanka ugu baaqay in la isku diyaariyo duulaanka cusub, oo lagu soo gaba-gabeynayo howlgalladii socday tan iyo 2022.

Abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiran ayaa kusoo aadaya xili in sanado hakad ku jiro dagaalkii uu hor-kacayay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, kaasoo dowladda kula wareegtay deegaano iyo dagmooyin ku yaalla Galmudug iyo HirShabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here