Daawo: Abaabulka mooshin ka dhan ah xildhibaanadii taageeray Itoobiya oo socdo

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda abaabulka mooshin culus oo ka dhan ah xildhibaanadii taageeray Itoobiya.

Mooshinkan oo guuxiisa si weyn loo dareemay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gadaal ka riixaya Villa Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Saameynta mooshinkan ayaa sidoo kale si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinta.

Dhinaca kale waxaa baaqday kulankii maanta ee Golaha Shacabka, sababo la xiriira xaaladda soo korortay kadib xildhibaanadii taageerada u muujiyay Itoobiya.

Halkan hoose ka daawo wararkii ugu dambeeyay:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here