MUQDISHO — Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay sii daba dheeraato, kaddib markii uu di’i waayey roobkii la filayay ee xilliga Gu’ga, taasoo sababtay in dad badan ay ka barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen markii ay waayeen biyo iyo baad.
Abaartu waxay si gaar ah u saameysay bulshada reer guuraaga ah oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsan yahay xoolaha ay dhaqdaan. Deegaanno badan ayaa laga soo sheegay dhimasho iyo dhimis xoolo, iyadoo dadku ay ku dhibtoodayaan helitaanka cunto iyo biyo nadiif ah.
Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ka hadlay kulan ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegay in abaarta hadda socota ay dib u soo xusuusisay abaartii “Saddexdii iyo Barki” ee dalka ku dhufatay tobannaan sano ka hor, taas oo uu xusay inay ku dhinteen dad ka badan 40,000 oo qof.
“Meelaha ugu daran abaarta maanta ka jirta waxaa ka mid ah Galmudug,” ayuu yiri Maxamuud, isaga oo carabka ku adkeeyay in xaaladda ay kasii darayso maalinba maalinta ka dambeysa haddii aan gurmad degdeg ah la helin.
Hay’adda SoDMA, oo ah hay’adda dowladda u qaabilsan maareynta iyo la tacaalidda musiibooyinka dabiiciga ah, ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay digniinno isdaba joog ah ka bixisay abaarta daba dheeraatay ee dalka ka taagan.
Hay’addu waxay baaq u dirtay beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah inay ka qayb qaataan gurmad degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha dadka iyo xoolaha ay abaartu halakeysay.
Abaarta sannadkan ayaa noqonaysa mid ka mid ah kuwa ugu culus ee dalka ku dhuftay, iyadoo weli aan la saadaalin karin goorta roobabku imaan doonaan.



