Abiy Axmed oo sheegay in Itoobiya ay raadinayso in si nabad ah ku gasho Badda Cas

0

ADDIS ABABA – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa si cad u sheegay in wali dalkiisa ka tanaasulin mowqifkiisa helitaanka badda xili cambaareyn iyo cadaadis kala kulantay heshiiskii sharci darrada ahaa ee uu horaantii sanadkan Addisa Ababa kula galay hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

“Itoobiya waxay doonaysaa inay si nabad ah ku gasho Badda Cas, waxayna arrintan ka taagan tahay mawqif cad, uma baahnin dagaal iyo xoog si aynu hadafkeena u gaarno, haddii aynaan ku guulaysan, caruurteena ayaa ku guuleysan doono,” ayuu yiri Abiy Axmed mar uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka Itoobiya.

Abiy Axmed wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya ay tahay xarunta awoodda Afrika, islamarkaana ay u heellan tahay horumarinta Qaaradda Afrika iyo danaha gaarka ee dalkiisa, iyadoo uu la falgalayo dhammaan dalalka gobolka, si loo xaqiijiyo qorshaha gaarista badda.

Itoobiya ayaa hadda gashay go’doon gobolka Geeska Africa kadib markii isbahaysi iyada ka dhan ah oo Masar hogaaminaysa dhawaan lagu dhisay dalka Eritrea, waxaana Xukuumadda Addis Ababa hadda soo foodsaarey walaac ku saabsan amnigeeda qaranka.

Dolwadda Soomaaliya ayaaa bishii August heshiis dhinaca difaaca iyo amniga la gashay dowladda Masar, oo Muqdisho usoo dirtay heshiiska kadib labo diyaaradood iyo markab kuwa militeriga oo hub keenay, taasoo sare u qaadey xiisadda gobolka.

Heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa u muuqda inuu fashilmay oo labada dhinac ay ku adkaatay hirgelintiisa, maadaama aduunka oo dhan uu kasoo horjeestay, kuna tilmaamay inuu yahay mid sharci darro ah oo loogu xad-gudbayo madax-banaanida dhuleed iyo midnimada dalka Soomaaliya.

Abiy Axmed ayaa horey u sheegay in Itoobiya xoog ama xeelada midkooda ay bad ku heli doonto, taasoo u wali daba socdo, isagoo arkaya inay hadafkiisa riyo aan run noqon doonin. Turkiga iyo Jabuuti ayaa isku dayaya inay qaboojiyaan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana la filayaa in wajiga 3aad ee wadahadalada Ankara ay dhawaan furmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here