Jabuuti – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay guul taariikhi ah ka gaartay dacwad dhanka sharciga ah oo muddo ku dhow toban sano kala dhaxaysay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Maxkamadda Dhexdhexaadinta Caalamiga ah ee London ayaa soo saartay xukunn rasmi ah oo u hiilinaya dowladda Jabuuti, kaas oo ku saabsan murankii ka dhashay maamulka iyo lahaanshaha dekedaha istaraatiijiga ah ee dalkaas.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Jabuuti oo ka hadlay go’aankan ayaa sheegay in guushan ay tahay mid muhiim u ah madax-bannaanida dhaqaale ee dalka. Sarkaalka ayaa sidoo kale caddeeyay in khilaafkani uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu ahaa mid sharci oo kaliya.
Khilaafkan ayaa billowday 2018, markii dowladda Jabuuti ay joojisay heshiiskii 30-ka sano ee ay kula jirtay shirkadda DP World ee ku saabsanaa maamulka dekedda konteenarrada ee Doraleh. Jabuuti ayaa xilligaas ku doodaysay in heshiiskaas uu ahaa mid aan caddaalad ahayn, isla markaana wax u dhimayay danaha qaranka iyo madax-bannaanida dalka.
Guushan ayaa loo arkaa mid Jabuuti siinaysa gacan sare oo dhanka gorgortanka ah, maadaama dalku yahay marinka ugu muhiimsan ee ganacsiga Geeska Afrika iyo badda cas. Sidoo kale, go’aankan ayaa dhiiragelin u ah dowladda Jabuuti oo dedaal ugu jirta inay difaacato mustaqbalkeeda dhaqaale iyo maamulka dekeddaheeda oo ah isha ugu weyn ee dakhliga dalkaas.
Dowladda Jabuuti waxay ku doodday in heshiiskii DP World uu ahaa mid liddi ku ah danaha qaranka iyo madax-bannaanida dalka, sidaas darteedna ay si qasab ah ugala wareegtay maamulka dekedda.
Khubarada arrimaha gobolka ayaa tilmaamaya in xukunkan uu soo afjarayo culaysyo badan oo caalami ah oo Jabuuti kaga imanayay dhanka sharciga, isagoo waddada u xaraya maalgashiyo cusub oo dalku la galo shirkado kale.



