NAIROBI [SMN] – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay inuu duqayn cirka ah ku beegsaday kooxda Daacish ee ku sugan buuralayda Calmismaad ee gobolka Bari.
AFRICOM ayaa sheegtay duqeynta oo ay la kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Daacish.
Sida laga soo xigtay AFRICOM, duqeyntan ma aysan sababin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta natiijada weerarka iyo bixinta macluumaad dheeri ah sida ugu habboon.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay shaacisay weerarkan, iyada oo sheegtay in howlgalka uu kaalin ka ciyaarayo wiiqitaanka awoodda kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmismaad.
Maraykanka ayaa caddeeyay inuu sii wadi doono dadaallada lagu xakameynayo awoodda Daacish iyo Al-Shabaab ay ku qorsheyn karaan weeraro khatar ku ah Maraykanka iyo saaxiibadiisa gobolka Geeska Afrika.