Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha oo Kulankii la Yeeshay Hay’adda NIS Foundation

0

Muqdisho — Cabdulqaadir Cilmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda hay’adda NIS Foundation, oo uu horkacayay Wakiilkooda Soomaaliya, Mudane Kassim Gabowduale.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dib-u-heshiisiinta, dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo xasilinta, iyo iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo bulshada, gaar ahaan ku aaddan xallinta khilaafaadka iyo taageeridda soo kabashada goobaha ay ku nool yihiin dadka nugul xilliyada adag ee abaaraha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa habraacyada wada shaqeynta ee ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo hay’adaha bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo taageero waxtar leh oo loogu adeego bulshada ku nool deegaanada ay abaaruhu saameeyeen.May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, people studying, newsroom and textMay be an image of one or more people and people studying

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here