Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Dhuxulow, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha socdaalka, dhismaha awoodda shaqaalaha, iyo fududeynta adeegyada socdaalka ee labada dal. Labada masuul ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista wada shaqeynta si loo horumariyo nidaamyada socdaalka iyo tayada adeegyada la siiyo muwaadiniinta.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray taageerada Dowladda Turkiga ee ku aaddan dhismaha awoodda (capacity building) saraakiisha HSJ. Safiirka Turkiga ayaa muujiyay in dowladdiisu diyaar u tahay inay gacan ka geysato tababarrada farsamo, aqoon-is-weydaarsiyada, iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha, oo ay ku jiraan tababbarro lagu qaban karo gudaha dalka iyo kuwo dibadda ah, sida barnaamijyada Training of Trainers (ToTs).
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay taageerada lagu horumarinayo Akadeemiyadda Socdaalka, si loo xoojiyo tayada iyo hufnaanta adeegyada ay bixiso HSJ. Dowladda Turkiga ayaa ka qayb qaadan doonta taageero farsamo iyo mid agab, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha ka howlgala garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.





