Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo Guddoomiyay Kulan ku Saabsan Adeegyada Dad-dhigista iyo Tirakoobka

0
Muqdisho  –  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane C/qaadir cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.
Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigista iyo Tirakoobka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Mudane C/qani Maxamed Wehliye iyo Masuuliyiin sare oo ka socda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha laga qabtay casriyeynta adeegyada dad dhigidda iyo sida muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa isla markaana loo baahin lahaa adeegyadaasi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdul ayaa bogaadiyay dedaallada Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigista, isagoo sidoo kale bidhaamiyay muhiimadda ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir u leedahay baahinta iyo Tayeynta adeegyada Dad-dhigista.May be an image of one or more people, beard and newsroomMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, people studying, newsroom and text that says "및 空 OUTL"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here