Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland oo Soo Dhaweeyay Wafdi Ka Socday UNICEF

0

Kismaayo – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa xarunta caafimaadka Baxnaano ee Ceeljaale ku soo dhaweeyay wafdi sare oo ka socday UNICEF, kaas oo ay hoggaaminaysay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Sandra Lattouf.

 

Wafdiga ayaa kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay xaaladda guud ee adeegyada caafimaad ee deegaannada Luglow, gaar ahaan xarunta Baxnaano iyo habsami u socodka adeegyada ay bixiso. Intii uu socday kormeerku, mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay qaabka ay u socdaan howlaha caafimaad, caqabadaha jira, iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

Agaasimaha Guud waxaa kormeerka ku wehliyay Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose Cabdirisaaq Jaamuus, Isku-duwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo Maxamed Sheekh Aadan, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd xoojinta wada-shaqeynta, qiimeynta baahiyaha jira, iyo dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee bulshada ku nool deegaannada Jubaland.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Caafimaadka iyo UNICEF ayaa isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga wadajirka ah, si loo tayeynayo xarumaha caafimaadka, loo kordhiyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah, loona hubiyo in bulshada ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.May be an image of one or more people, people studying and textMay be an image of child, hospital and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here