Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Xasan Isaaq (Wadani), ayaa magaalada Muqdisho ka furay Aqoon-is-weydaarsi (CCA Workshop) oo diiradda lagu saarayo xoojinta isku-dubaridka wax ka qabashada masiibooyinka iyo horumarinta nidaamyada ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah.
Aqoon-is-weydaarsiga, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MoLSA), ayaa lagu falanqeynayaa sidii loo mideyn lahaa dadaallada hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya wax ka qabashada abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyinka kale, si loo helo jawaab degdeg ah oo hufan.
Khudbaddiisa furitaanka, Agaasimaha Guud Yuusuf Xasan Isaaq ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada dowladda, ka faa’iidaysiga nidaamyada jira, iyo adkeynta hoggaaminta hay’adaha qaran si wax looga qabto xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira.
Aqoon-is-weydaarsiga waxaa sidoo kale ka qeyb galay Dr. Ismail Jimcaale, Madaxa Mashaariicda Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), mas’uuliyiin ka socday dowlad-goboleedyada dalka, iyo agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Intii uu socday shirku, ka qeybgalayaasha ayaa si qoto dheer uga dooday
adeegsiga nidaamyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta,hababka gaarsiinta kaalmada, gaar ahaan taageerada dhaqaale iyo xoojinta isku-duwidda xogta iyo hoggaaminta dowladda.
Ugu dambeyn, aqoon-is-weydaarsigu wuxuu adkeeyay doorka Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee horumarinta jawaabaha degdegga ah, iyadoo si gaar ah loo xoojiyay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta.





