Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo daah-furay Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Socdaalka Gudaha

0

Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Socdaalka Gudaha Dalka, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha socdaalka gudaha.

 

Agaasimaha Guud ayaa booqday terminaalka laga dhoofo ee duulimaadyada gudaha, halkaas oo uu warbixin faahfaahsan kaga dhageystay madaxda Waaxda Xuduudaha. Warbixinta ayaa la xiriirtay habraaca cusub, heerka diyaargarowga farsamo iyo sida adeegga loogu fududeynayo muwaadiniinta u safraya gudaha dalka.

waxaana si rasmi ah loogu adeegey dadkii ugu horreeyay ee u safrayay gudaha dalka, kuwaas oo adeegga ku helay Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo nidaamka loo maray hannaan waafaqsan tilmaamaha socdaalka sharciga ah.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in hirgelintan ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta nidaamka socdaalka gudaha, xoojinta amniga xuduudaha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka si waafaqsan sharciga. Sidoo kale, waxa uu faray saraakiisha iyo shaqaalaha inay muujiyaan dulqaad iyo tixgelin gaar ah inta ay muwaadiniintu la qabsanayaan nidaamka cusub, si adeeggu u noqdo mid hufan oo waxtar leh.May be an image of text that says "ol IGA"No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here