Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kulan la yeeshay safiirka Jabuuti + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa ku soo dhaweeyay xafiiskiisa Safiirka Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf.

 

Agaasimaha Guud ayaa ugu horayn uga mahadceliyay safiirka Dowladda Jabuuti booqashadiisa xarunta dhexe ee HSJ, waxa uu sidoo kale Agaasimaha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo kaalinta ay dowlada Jabuuti ka qaadato dhismaha Hay’adaha kala duwan ee dowlada oo ay ku jirto HSJ.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale, kala hadlay safiirka wadashaqaynta labadda dowladood ee isdhaafsiga dhinacyada xogta socdaalka iyo ka qayb qaadashada horumarinta aqoonta iyo khibradda howlwadeenada HSJ.

Dhanka kale, Safiirka Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa adkeeyay wadashaqaynta labada dowladood ee ku aaddan arrimaha horumarinta adeegga socdaalka iyo khibrad wadaagga iyo sidoo kale in ay wadashaqayn joogta ah ay yeeshaan hay’adaha labada dowladood u qaabilsan Jinsiyadda iyo Socdaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here