MUQDISHO (SMN) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu haatan is casilay agaasimihii madaxtootada Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud.
Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay agaasimaha ayaa is casilaaddiisa u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa intaas kusii daraya inuu isku casilay arimo la xiriira damiciisa siyaasadeed ee xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed.
Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa oo kamid ah saaxibada madaxweynaha ayaa xilkan soo hayay tan iyo 23 May ee sanadkii hore ee 2022-kii oo ah xilligii la doortay Xasan Sheekh.