Muqdisho – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa galabta Ciidamada Amniga kula afuray duleedka deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo uga mahadceliyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan ee ku aaddan sugidda amniga caasimadda, degmooyinka iyo deegaanada ku xeeran.
Agaasimaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo iyaga oo sooman haddana habeen iyo maalin u taagnaa xoreynta dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee qaranka, isaga oo xusay in heegankooda joogtada ah uu suurageliyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si deggenaan iyo kalsooni leh u gutaan cibaadooyinkooda.
Agaasime Mahad Salaad ayaa caddeeyey in ciidamada qaranku yihiin tiirka lagu ilaaliyo jiritaanka iyo sharafta qaranka, isla markaana ay mudan yihiin qadarin iyo garab istaag joogto ah, si loo sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraalka Sahal Cabudllahi Cumar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada NISA, Booliska iyo Boolis-Militeri ayaa Agaasime Mahad Salaad kala qeyb galay kulankaan uu kula afuray Ciidamada Qaranka ee deegaanada fog ka suga amniga caasimadda Muqdisho.





