Muqdisho — Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa hambalyo iyo duco ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fitriga u diray dhammaan askarta, saraakiisha iyo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Agaasimaha ayaa Alle ka baryay in uu naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo cibaadooyinkii aynu soo gudannay bishii barakaysnayd ee Ramadan, isla markaana uu sanadkan sanadkiisa kale innagu gaarsiiyo caafimaad, amni iyo barwaaqo.
Sidoo kale, Mahad Salaad ayaa xusay in Ciidul Fitrigu ay tahay maalin farxad, iscafis iyo isku duubni, taas oo xoojisa midnimada iyo walaaltinimada bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Agaasimaha NISA ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay sii xoojiyaan garab istaagga Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo Alle ka sokow suurta geliyay in dalka lagu cibaadeysto nabad iyo xasillooni.
“Farxad iyo nabad ku ciida dhammaantiin,” ayuu yiri Agaasimaha.




