Agaasimaha NISA oo ka qaybgalay Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Carabta

0

Baqdaad – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay ka soo qeybgaleen wakiillo ka kala socday 22 dal oo Carbeed.

 

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, iskaashiga iyo is-weydaarsiga xogaha amni ee u dhexeeya Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, si wax looga qabto caqabadaha amni ee ka jira gobolka.

Intii uu socday shirka, ka qaybgalayaashu waxay si gaar ah uga doodeen muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha Carabta, iyadoo xoogga la saaray dadaallada la xiriira ka hortagga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.

Ka qaybgalka Agaasimaha NISA ee shirka ayaa muujinaya doorka firfircoon ee Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha amniga gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni ee dalalka Carabta.

May be an image of dais and textMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here