Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulan la qaatay Wakiilka Mareykanka ee Muqdisho

0

Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Danjire Justin Davis, Wakiilka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay horumarradii dhawaan la sameeyey iyo iskaashiga la xiriira maareynta socdaalka iyo amniga xuduudaha.

 

Mudane Mustafa Duhulow ayaa xusay in nidaamka PISCES uu door muhiim ah ka qaatay xoojinta maamulka socdaalka iyo ilaalinta amniga xuduudaha, isaga oo ballan qaaday in dadaallada socda ay sii xoojin doonaan baahinta nidaamka PISCES dalka oo dhan. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga joogtada ah ee taageerada Dowladda Mareykanka ee horumarinta awoodda iyo aqoonta shaqaalaha, iyo hababka lagu xoojinayo maareynta socdaalka iyo amniga xuduudaha dalka.

May be an image of one or more people and newsroomMay be an image of suit

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here