Agaasimaha Warbaahinta Shabelle iyo Ku-xigeenkiisa oo Dib u Helay Xorriyadooda Kadib Xabsi Sharci-darro ah

0

Muqdisho [SMN] – Agaasimaha guud ee Warbaahinta Shabelle, Abuukar Sheekh Maxamuud (SKY), iyo ku xigeenkiisa Maxamuud C/naasir Soofeysane ayaa maanta dib u helay xorriyadooda kadib markii ay booliska degmada Xamarweyne si sharci darro ah ugu xireen saldhigga degmada saacadihii hore ee saakay.

 

Labada mas’uul ee sare ee warbaahinta Shabelle ayaa la xiray iyadoo aan wax eed ah loo soo jeedin, waxaana arintan si weyn looga hadlay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha, iyadoo loo arkayay xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda.

Agaasimaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ugu dambeyn la horgeeyay Maxkamad, taasoo markii ay dhageysatay dacwadooda ku sheegtay in aysan jirin wax dambi ah oo ay galeen, sidaas darteedna amar ku bixisay in si degdeg ah loo sii daayo.

Sii deyntooda ayaa loo arkay guul u soo hoyatay xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta gudaha Soomaaliya, waxaana si weyn u soo dhaweeyay ururrada u dooda xuquuqda suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa bannaan.

Warbaahinta Shabelle ayaa ka mid ah hay’adaha warbaahineed ee ugu caansan dalka, waxaana si joogto ah loogu bartay baahinta wararka madaxa bannaan iyo baaritaannada sugan. Mas’uuliyiinta warbaahintaas ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgaladooda warbaahineed iyagoo aan ka cabsan doonin cabsi-gelin kasta oo lagu hayo.

Dhacdadan ayaa markale iftiimisay baahida loo qabo in la ilaaliyo xuquuqda saxafiyiinta iyo in laga fogaado xadgudubyada sharci darrada ah ee ka dhanka ah saxaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here