MUQDISHO (SMN) – Iyaddoo uu dalka Ka socdo guluf ka dhan ah Al Shabaab, isla markaana ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka oo markii ugu horreysay is garabsanaaya ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ay muddo dheer ku sugnaayeen.
Qaar kamid ah culumada Ahlu Sunna Waljamaaca oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxa ay shegeen in ay ka qayb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan kan looga saarayo deegaanada koonkoonfur Galbeed Soomaaliya.
Culimadda ayaa tilmaamay koolkii gumeystaha uu dalkeena kusoo duulay in galaaadaas ay hor istaageen culimadda Soomaaliyeed, la dagaalameen gaalkii soo duuley, kana diideen inuu dhulkeena ku faafiyo aragtiyihii kala duwanaa ee gumeystaha uu watey.
Sidoo kale culimada ayaa sheegay inay sidoo kale diyaariyeen ciidamo dagaalka qayb ka noqonaya, si looga xoreeyo saddexda gobol ee maamulkaasi.
Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa ka bilaaban doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, waxaana haatan deegaanada maamulkaas ka socday diyaar garow xoogan.