Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Muqdisho, Khamiis, 4 April, 2024
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tagey Boqortooyada Sacuudiga, lana filayo inuu wadahadal ku saabsan iskaashiga labada dal la yeesho madaxda dalkaasi.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho dhiirigelin ah ku tagey jiidaha dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee degmooyinka Xarardheere & Ceeldheer.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo min hal darajo darajo dalacsiiyay askarta iyo saraakiisha u dhabar adeegay difaaca degaanka Xarardheere oo laga xoreeyay Khawaarijta.
4- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dib u eegista iyo wax ka beddelka afarta cutub ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay nuqulka rasmiga ah 4-ta cutub ee Dastuurka Soomaaliya ee uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomalaiya.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey Golaha Baarlamaanka Federaalka tallaabada ay ku ansixiyeen 4-ta cutub ee uga horeysa Dastuurka.
7- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Nabadsugidda, Abdullahi Mohamed Ali (Sambalolshe), kadib markii uu is casilay Agaasimihii hore Mahad Mohamed Salaad.
8- Golaha Wasiirrada ayaa go’aansadey in la soo xiro xafiisyada qunsuliyadaha Ethiopia ku leedahay Hargeysa iyo Garowe, isla markaana amrey in Danjiraha Ethiopia u fadhiyay Somalia uu dib waddankiisa wadatashi ugu laabto.
9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Shiinaha u fadhiyay Somalia Feng Shengchao oo muddo xilleedkiisa uu dhammaadey.
10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xildhibaan Cabdirashiid Jilay u magacaabay Ergeyga Arrimaha Caafimaadka & Nafaqeynta.
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad afur loogu mahad celinayay labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay 4-ta cutub ee ugu horeysa Dastuurka Soomaaliya.
12- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey heshiis ku saabsan soo saarista shidaalka iyo gaaska, oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.
13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.
14- Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa si weyn u soo dhoweeyey ansixinta afarta cutub ee Dastuurka oo ay meel mariyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federeraalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Kooxda Iskudhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka ee Qaramada Midoobay (IESG) Mudane Deryck Fritz.
16- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Mudane Joachim Waern.
17- Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Bankiga Horumarinta Afrika.
18- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Rayidka Marwa Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa xarigga ka jartay xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo dib u dhis lagu sameeyay.
19- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane, Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa Nairobi kula kulmey Danjiraha dalka Aljeeriya ee arrimaha Soomaaliya Mahi Boumediene.
20- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ganacsatada ugu digay inay dalka soo geliyaan waxyaabaha maanka dooriya.
21- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa soo saartay digniino la xiriira roobabka gu’ga oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ay curtaan.
22- In ka badan 80 maliishiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgallo laga fuliyay Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.
23- Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Feng Shengchao ayaa ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
24- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta kuwaasi oo doonayay inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho.
25- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Jibril Ibrahim Abdulle ayaa afur u sameeyay diblomaasiyiinta caalamka u fadhiya Kenya.
26- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay Ku-Xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Gargaarka Bani’aadminimada George Conway.
27- Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidanka deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug.
==============DHAMMAAD==============