Muqdisho, 30 Juun 2025 – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta hadal dhiirrigelin leh u jeediyay boqolaal dhalinyaro ah oo isugu soo baxay bartamaha caasimadda Muqdisho, si ay u xusaan isbuuca xorriyadda dalka.
Al-Cadaala ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay door muuqda ka qaataan dagaalka socda ee lagula jiro ururka Al-Shabaab, isagoo sheegay in dhalinyaradu yihiin laf-dhabarta dalka iyo furaha mustaqbalka nabadda iyo horumarka.
“Waa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u kacaan difaaca dalkooda, una istaagaan ladagaalanka kooxaha nabadda diidan ee Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.
Wuxuu sidoo kale xusay in kooxda Al-Shabaab ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan dhibaatooyin joogto ah oo dhinaca nolosha iyo horumarka ah. Wasiirka ayaa sheegay in sanado badan ay cabsi darteed aan si xor ah loogu dabaal-dagi karin magaalada Muqdisho xilliyada muhiimka ah sida toddobaadka xorriyadda, balse hadda ay muuqato isbeddel.
“Maanta, dhalinyarada waxay si xor ah isugu soo baxeen caasimadda, taasi waxay muujinaysaa guulaha la gaaray, balse weli cadowgu wuu jiraa,” ayuu yiri Al-Cadaala.
Ugu dambeyn, wasiir ku-xigeenka ayaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqay in ay isu tagaan oo mideeyaan dadaalkooda si dalka looga ciribtiro kooxda Al-Shabaab.
Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dagaallo culus ay ka socdaan gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobolladaasi.




