Kooxaha Al-Shabaab & Daacish oo ku dagaalamay buuraleyda gobolka Bari

0

BOOSAASO (SMN) – Dagaal culus oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo Daacish ayaa waxa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay buuraha Galgala ee dhaca gobolka Bari ee Puntland.

 

Dagaalka oo saacado qaatay ayaa la sheegay in dhinacyada ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa Kala duwan oo laga maqlayay meelo ka fog halka dagaalka uu ka dhacay.

Khasaare ayaa soo kala gaaray labada dhinac oo isugu jira dhimaaho iyo dhaawac, inkastoo aan la cayimi karin tirada rasmiga ah ee uu la egyahay.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab iyo Daacish ay isku hayaan gacan ku haynta buuraha Galgala, halkaasi oo ah meel istaraatiiji u ah labada dhinacba.

Labadaan kooxood ayaa dagaal kula jira maamulka Puntland oo u maara waayay in buuraha Galgala uu ka saaro, si loo soo afjaro kooxahan.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Bari ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here