Al-Shabaab oo Dhaqaale Ka Ururinaya Deegaanada u Dhaxeeya Afgoye iyo Wanlaweyn

0

Afgoye, Soomaaliya – August 2, 2025 – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanada u dhaxeeya degmooyinka Afgoye iyo Wanlaweyn, ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay bilaabeen dhaqaale ururin xooggan, iyagoo si gaar ah diiradda u saaraya ganacsatada ku sugan aaggaas.

 

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo codsaday in aan la shaacin magacyadooda sababo amni dartood, Al-Shabaab ayaa lacagahan ugu yeeraya “sakaawaat”, waxaana la sheegay in ganacsatada lagu cadaadinayo bixinta lacagaha si joogto ah. Lama helin wax cod ah ama muuqaal ah oo arrintan la xiriira, maadaama xaaladda amni ee goobahaasi ay aad u liidato.

Dhinaca kale, wararka ayaa intaa ku daraya in Al-Shabaab ay si isa soo taraysa u xoogeysteen jiinka wabiga Shabeelle, iyagoo gacanta ku dhigay magaalooyin muhiim ah sida Sabiid, Caanoole, Moryaanle, Owdheegle, Mubaarak, iyo deegaano kale oo dhowr ah.

Weerarada ay kooxdaasi ka geysaneyso gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay labanlaabmay, taasoo cabsi iyo walaac ku abuurtay dadka deegaanka iyo ganacsatada.

Illo amni iyo falanqeeyayaal arrimaha nabadgelyada ayaa sheegaya in dhaqaalaha ururinta iyo weerarada isdaba jooga ah ee Al-Shabaab ay muujinayaan dadaal cusub oo ay ugu jiraan in ay dib u hananayaan deegaanadii ay lumiyay sanadihii u dambeeyay.

Waxaa socda dadaallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka si dib loogu xoreeyo goobaha ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here