Al-Shabaab oo u digay ganacsatada iyo bangiyada dalka kadib tallaabadii DF

0

MUQDISHO (SMN) – Ururka Alshabaab oo ka hadlay Canshuuraha ay DFS soo rogtay ee 5%-ta ah ayaa meel adag iska taagay qaadisteeda iyagoo ku tilmaamay dhac loo geysanayo Shacabka Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka Ururkaasi Sheikh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere ) oo muuqaal daqiiqado soconaya iska soo duubay ayaa sheegay in canshuurtani ay bilow u tahay sida uu hadalka u dhigay baneysashada Hantida Ummadda Soomaaliyeed isagoona carabka ku adkeeyay in aysan Alshabaab marnaba raali ka noqon doonin.

Sheikh Cali Dheere oo sii wata hadalkiisa ayaa Bangiyadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay fuliyaan Amarka Dowladda ee canshurtaasi lagu meel marinayo.

Afhayeenka Ururka Alshabaab ayaa sheegay in ay horey uga digeen Bangiyada in ay si fudud ku bixiyaan amaanada iyo xogta ay shacabku ku keydsadeen xarumahooda.

Hadalka Alshabaab ayaa imaanaya kadib markii ay maalmo kahor dhaqan gashay canshuurta 5%-ta ah ee ay Wasaaradda Maaliyadu soo rogtay, taas oo ka go’aysa dadka shacabka ah marka ay adeeganayaan iyagoo isticmaalaya Acconka Merchantiga.

Inkastoo ay jireen caqabado ay dowladdu kala kulantay hirgelinta Canshuurtaasi ayaa hadana ay ugu danbeyn Dowladdu ku guuleysatay meel marinteeda.

Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag la gashay Alshabaab dhul badana ka kicisay ayaa kal hore soo rogtay in aan kooxdan wax macaamil ganacsi ah lala sameyn karin, iyadoo taasina ay dhashay in ay dowladdu il gaar ah ku fiiriso Bangida Dalka iyo dhaqaaqyada ay dadku sameynayaan marka ay isticmaalayaan Accounada ay ku leeyihiin Bangiyadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here