Al-Shabaab oo la sheegay inay bedashay qaabkii ay usoo weerari jirtay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Mahad Wehliye Raan oo ah falanqeeye amni, isla-markaana wareysi siiyay Idaacadda Shabelle  ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho.

Mahad ayaa sheegay in markii la kordhiyay baraha koontatool ee ku yaalla caasimadda, sidoo kalena la  xoojiyay ciidamada ammaanka ay saameyn ku yeelatay Al-Shabaab, isla-markaana ay culeys kala kulmeen qorshaha ay la timid dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay dhankooda beddaleen xeeladdooda, isaga oo sheegay in markii ay ku adkaatay in Muqdisho ay soo geliyaan qaraxyo ay hadda bilaabeen inay usoo dhawaadaan magaalada, kadibna ay soo duqeeyaan.
Waxaa kale oo uu farriin u diray saraakiisha laamaha amniga, wuxuuna ugu baaqay inay kordhiyaan howlgalladooda, isla-markaana ay gaaraan duleedka caasimada iyo sidoo kale dhanka xeebta, si looga hortego isku day kasto oo ay sameyn karaan Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Talaadadii shalay ay Al-Shabaab madaafiic xoogan ku garaaceen degmooyinka Warta Nabadda iyo Waabari ee gobolka Banaadir, waxaana dowladda Soomaaliya ay shaacisay in hoobiyeyaashaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac laga soo tuuray degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here