Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacday saldhig Ciidamadda Mareykanka ku leeyihiin duleedka Kismaayo

0

Kismaayo, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa dhowr madfac ku tuurtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo habeenkii Khamiista, iyadoo beegsaneysay saldhigyo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka.

 

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in weerarka madaafiicda ah uu beegsaday xero militari oo dhawaan la dhisay, hase yeeshee aysan jirin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ama burbur hantiyadeed oo dhacay.

“Weerar toos ah ayaa lagu qaaday saldhig ku dhow Kismaayo. Lama soo sheegan wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada Mareykanka ama hantidooda, mana jirto wax burbur ah oo lagu arkay saldhigga,” ayaa lagu yiri qoraal AFRICOM uu soo dhigay baraha bulshada.

Sawir la qaaday kadib weerarka oo ay baahiyeen hay’adaha sirdoonka la dagaallanka argagixisada ayaa muujiyey burbur soo gaaray dhabaha diyaaraduhu ku ordaan (runway).

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka uu yahay mid aargoosi u ah “xasuuqa ka socda Falastiin, gaar ahaan Marinka Gaza.” Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili taliyaha cusub ee AFRICOM dhawaan yimid Muqdisho, islamarkaana la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh kulan looga hadlan dardargelinta dagaalka Al-Shabaab.

Sanadkan 2025, AFRICOM oo kaashanaysa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa fulisay ugu yaraan 73 duqeyn cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo dagaalyahanada Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad, oo Ciidanka Maamulka Puntland tan iyo December 2024 la dagalamayeen.

23-kii Agoosto, AFRICOM ayaa ku dhawaaqday dhamaadka hawlgal socday muddo laba toddobaad ah oo lagu bartilmaameedsanayay xarumaha hogaanka Daacish, iyadoo lala shaqeynayo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli sii socda. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay 30-kii Agoosto, waxaana lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab gudaha  Jubaland, gaar ahaan meel qiyaastii 40km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo.

Warbixin ay soo saartay IGAD bishii la soo dhaafay ayaa muujisay in howlgallada Soomaaliya iyo Kenya lagu dilay boqolaal dagaalyahanno ah, taasoo hoos u dhigtay awoodda Al-Shabaab oo gobolka waqooyi bari ka fulin jirtay weeraro kala duwan tan iyo markii Ciidanka Kenya soo galeen Soomaaliya 2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here