Al-Shabaab oo qaraxyo ku xiray suuqa weyn ee Tabeelaha Sheekh Ibraahim

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay laba qarax oo saaka ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Qaraxyada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday suuqa wayn ee deegaankaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in sababta loo qarxiyay ay tahay xirashada Kaamirooyinka CC Tv oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya.

Burbur xoogan ayaa ka dhashay qaraxyadan, waxaana inta badan gubtay goobaha ganacsiga ee deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Maalmihii u dambeeyaya ayaa waxaa duleedka caasimada ka dhacayay weeraro qaraxyo ah, ayada oo xusid mudan tahay in sidaan oo kale dhowaan loo qarxiyay suuqyada waa wayn ee Ceelasha Biyaha, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here