NAIROBI, Kenya – Shan oday dhaqameen oo u dhashay Kenya, kuwaasoo lagu haystay gudaha Soomaaliya ayaa lasoo daayay kadib wada-xaajood socday labo bilood ah, oo lala yeeshay Al-Shabaab.
Warbaahinta Kenya ayaa soo warisay in Odayaasha xalay fiidkii la geeyay goob ku taalla gobolka waqooyi bari iyagoo bad-qaba, waxaana dib loogu celiyay deegaanada ay kasoo jeedeen.
Arintan ayaa timid kadib markii odayaal kale oo Kenya ka yimid ay tageen deegaanada Al-Shabaab gacanta ku hayso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Jubaland, kuwaasoo ku guuleystay sii-deynta shanta oday.
Waxay ahaayeen odayaal qeyb ka ah maamullada ka jira deegaanada Wargaduud, Qorax-madow iyo Jajabole, oo degmada Ceel-waaq hoos yimaada, waxaan la afduubey bishii February iyagoo gaari saarnaa, kuna sii jeeda shir amni oo ka dhacayay magaaladda Ceel-Waaq oo xadka ku taalla.
Xiliga afduubkooda Madaxweynaha Kenya ayaa kusii jeeday gobolka Waqooyi Bari, oo magaalooyin katirsan ku tagey socdaal qeyb ka ah safaro uu ku bixinayay gobollada dalkiisa.
Lama oga in lacag madax-furasho ah la bixiyay iyo inkale, maadaama dowladda Kenya u martay odaasha Soomaalida ee gobolka dega wadahadalka lala yeeshay Al-Shabaab.
Kenya ayaa ku jirta xaalada feejignaan ah kadib markii dhawaan Al-Shabaab ay kordhisay weerarada dalka Soomaaliya, iyadoo adkaysa amniga xaduuda.
Sabtidii, Al-Shabaab ayaa weerartay ciidamada Kenya saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Basuba oo keymaha Boni ku yaalla, sida uu boolisku sheegay.