Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Daaru-Nicma iyo dagaal ka dhacay

0

RUUN-NIRGOOD (SMN) – Warar ka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya haatan dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab uu ka socda gudaha deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmada Ruun-Inirgood ee gobolkaasi.

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku billowday qaraxyo ku qaadan farriisimo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kaidb uu qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa adag khadkad isgaarsiinta ee deegaanka, taas oo adeyneysa in xog dhammeystiran laga helo dagaalka u dhexeeyo dowladda iyo Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan kascsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamo gurmad ah ay gaareen deegaanka Daaru-Nicma kuwaas oo ka baxay dhanka degmada Ruun-Niurgood, si ay Al-Shabaab uga difaacaan inay gacanta u gashao Daaru-Nicma oo dhawaan uun laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here