Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ku yaalla duleedka Balcad

0

BALCAD (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha la dhashay weerar ay maanta Al-Shabaab ku qaadeen inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Weerarka oo loo adeegsaday madaafiic ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Raaxoy oo u dhexeeya labadaasi magaalo.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay howlgal ay qaadeen ciidamada Xoogga, kaas oo lagu baadi goobayay xubnihii weerarka soo qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan ay Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidan ee ku yaalla hakaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Balcad ka socday abaabulka howlgal la’isugu furayo waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here