Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday degmada Ceeldheer

0

CEELDHEER (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen degmada Ceeldheer ee bariga gobolkaasi.

 

Al-Shabaab ayaaa lagu soo wariyay in dhowr jiho ay ka weerareen magaaladaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Weerarka kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale war kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay weerarkaasi, waxaana lagu sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Warsxaafadeedka aya u qornaa sidatan:-

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo la xiriirtay saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyey in Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay jab xooggan u geysteen Maleeshiyaadkii Khawaarijta oo iyagu dhowr jiho kasoo weeraray magaalada balse badankood Maleeshiyaadka halkaasi lagu dilay islamarkaana hada uu hawlgalka ka socdo duleedka magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here