Al-Shabaab oo weerar ku qaadey Saldhig militeri oo ku yaalla Waajid

0

MUQDISHO (SMN) – Al-Shabaab ayaa aweerar ku qaaday fariisin ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool halkaasi oo iska hor imaad kooban ku dhexmaray labada dhinac.

 

Dagaalka oo mudo socday ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo xubnihii weerarka ku soo qaaday degmada Waajid dib looga riixay.

Saraakiil u hadashay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay jabiyeen xubnihii weerarka kusoo qaaday iyagoo markaasi ka qabtay maxaabiis iyo hub sida ay sheegeen saraakiisha.

War kasoo baxay kg ayaa lagu sheegay in Ciidamada amaanka degmada Waajid ee gobolka Bakool ay ka hortageen weerar Al-Shabaab kusoo qaadey degmadaas kaas oo lagu qabtey muuqaal duubihii Al-Shabaab ee dagaalkaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Axmed Maxamed (Cabdicasiis).

Muuqaal duubaha lasoo qabtay ayaa lagu xiray xabsiga Waajid iyada oo lagu bilaabay baaritaano iyo su”aalo weydiin kooxdii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab iyadoo lagala wareegay qalabkii uu wax ku duubayay.

Sidoo kale Laamaha Amaanka degmada Waajid ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxyo miino ah oo maleeshiyaad ka tirsan As ay ku aaseen degmada Waajid ee gobolka Bakool

Waxaa la sheegay in Al-Shabaab  ay miinada ku aaseen agagaarka garoonka diyaaradaha degmada halka mid kalena ay dhigeen inta u dhaxeyso magaalada iyo garoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here