Al-Shabaab oo weerar rogaal celis ah ku qaaday deegaano u dhow Buula-Xaaji

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ay Al-Shabaab weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaano u dhow magaalada Buula-Xaaji oo maalmo kahor ay la wareegeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab.

 

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo saacado badan qaatay, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay illaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil, waxaana jiro dhaawacyo kale oo la gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Saraakiil u hadashay Jubbaland waxa ay dhankooda guul ka sheegteen dagaalka, waxayna tilmaameen inay iska caabiyeen Al-Shabaabka weerarka soo qaaday, isla markaana ay u gaysteen khasaare culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Buuloxaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Shalay uun ayay ahayd markii ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Danab ee Xoogga dalka ay Al-Shabaan kala wareegeen deegaanada Harboole, Miido, iyo Biibi oo u dhexeeya deetgaana Janaay Cabdalle iyo Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here