Al-Shabaab oo xalay weerar toos ah ku qaaday degmada Kaxda

0

MUQDISHO (SMN) –  Weerar xoogan oo ku bilowday qaraxyo iyo rasaas culus ayaa xalay ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir.

 

Dad ku sugan degmada Kaxda ayaa innoo sheegay in ay maqleen jugta labo qarax iyo hub culus, waxaana xigay dagaal toos ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka lagu beegsaday xero ciidan oo ku taalla halkaasi, kuna sugnaayeen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha tasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa dhowr mar hore sidaan oo Kale weeraro qaraxyo ku bilowday uga geysatay saldhiga Booliiska ee Kaxda iyo xarumo kale oo ku yaala degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here