Al Shabab oo sheegtay in ay la wareegtay Degaanka Wargaadhi

0

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku heynta Degaanka Wargaadhi oo hoos-yimaada Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Sh.Dhexe  kadib markii halkaasi ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo.

 

Bayaan ka soo baxay Kooxda ayaa lagu sheegay in dagaal yahanadooda ay gudaha u galeen degaanka, ka gadaal markii ay ka awood roonaadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawisley.

Waxaa Kooxda sidoo kale shaaciyay in dagaalka ay hub ku qabsadeen islamarkaana ay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacba gaarsiyeen Ciidanka Dowladda.

Ma jiro ilo ka madax-banaan oo xaqiijin kara sheegashadooda balse Maamulka Degmada Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay iska caabiyeen weerarkii Saaka, halkaasna cashar loogu dhigay Al Shabaab.

Waxaa ay intaasi ku dareen in Degaanka ay haatan maamulayaan Ciidanka Xoogga Dalka, islamarkaana Al Shabaab aysan u suuro-gelin ay u gudaha u Degaanka Wargaadhi.

Si-kastaba, kooxda Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Degaanada Gobolka Sh.Dhexe, iyadoona xusid mudan in todobaadkii la soo dhaafay ay dib u qabsadeen Degmada Aadan Yabaal oo qiyaas ahaan 245km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here