Al Shabab weerar ka geystay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (SMN) — Dagaalkan ahaa mid cuslus, una dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalk Soomaaliya iyo kuwa Kooxda Al Shabaab ayaa ka dhacay Degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan Al Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana xigay iska horimaad toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka culus oo labada dhinac ay isu adeegsanayeen.

Wuxuu sheegay in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabta.

Ilaa hadda majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay Degaanka Ceelasha Biya ee duleedka Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here